Hadafkeena waa kobcinta iyo kor u qaadida wacyigelinta ahmiyada ay leedahay dhiraynta Soomaaliya si looga hortago xaaluf keeni kara in gayiga Soomaaliya uu noqdo lama dagaan.
Dhirta waxay u leedahay ahmiyada weeyn noolaha oo dhan dad iyo duunyaba, la’aanteedna khatar ku noqon karta jiritaanka dad iyo duunyaba.
Anagoo ka anba qaadayna hadafkaan muqadaska Ayaan soo dhawaynayaa in cidwalba oo ka qaybqaadanay bulshoweynta Soomaaliya shicib, shaqaale, askar iyo xubnaha baarlamaanka, iyo madaxda dowlada wadamada dariska, iyo bulshada caalamka in aan ka wada shaqayn mashruuc danta guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Anagoo ka qaybgelinayna bulshooyinka maxalliga ah, hay’adaha dawladda, iyo qaybaha kale ee ay khusayso si looga hortago xaalufka kaymaha iyo kaynta, kordhinta abuurka geedaha, iyo horumarinta hab-nololeedka bulshooyinka ku tiirsan dhirta, daaqa iyo kaymaha.
Iyadoo loo marayo hab iskaashi, hiigsaneynana inaan kor u qaadno adeegyada nidaamka deegaanka, ilaalinta kala duwanaanshaha noolaha, iyo yareynta saameynta isbedelka xaalufka .
Dhiraynta dalka waa nolosheena
Fadlan ka qaybqaado waa mid ay ku jirto dantaada iyo danteena guud in wadanka dhirta aysan ka xaalufin, halhayskeena waa qof waloow adiga iska bilow oo abuur hal adigoo gurigaaga ku abuurayso. Nala soo wadaag si bulshada inteeda kale aad ugu dhiirigeliso
