Hadafkeena waa wacyigelinta iyo ahmiyada ay u leedahay dhirta iyo dhiraynta Soomaaliya dadka iyo duunyadaba in aan la xaalufin dhirta maadaama nolosheena ay ku tiirsantahay dhirta sida beeraha dalaga ka soo go’a iyo xoolaha nool, haddii aynan dhir jirin nolol ma jirto.
Anagoo ka anbaqaadayna hadafkaan muqadaska ah ayaan waxaan go’ aansanay in aan beerno hal malyan oo dhir (Geedo) shanta sanno ee na soo aadan.
Marka uu hirgalo waxaan rajaynaynaa in xaalufka dhirta uu ka hortagi doono wadanka uu noqon doono dhul cagaaran oo ay indhahu ku doogsadaan xoolahana ay ka helaan daaqsin wacan dadkuna harsadaan taasoo fudadayn doonto in roobkuna uu ka da’o halka ay dhirta ku badantahay.
Dhiraynta dalka waa nolosheena
Fadlan ka qaybqaado waa mid ay ku jirto dantaada iyo danteena guud in wadanka dhirta aysan ka xaalufin, halhayskeena waa qof waloow adiga iska bilow oo abuur hal adigoo gurigaaga ku abuurayso. Nala soo wadaag si bulshada inteeda kale aad ugu dhiirigeliso.
