Bisha Cagaaran waxay diyaarisaa qoraalo kala gedisan oo la xiriira illaalinta degaanka, dhiraynta dalka oo dhan, qoraalada iyo cilmi baarisyo aan ugu talogalnay in aan shicibka ku wacyigelino sidii dalka loo dhirayn lahaa loogana hortagi lahaa xaalufka dhirta oo sababi karta in dhulka noqdo lama dagaan taasoo cawaaqib xumo ku noqon karta noolaha oo dhan .
Qoraalada waa kuwa rubucla ah ama sannadkiiba mar. Hadaba haddii aad xiisaynayso fadlan nagu soo biir ama ka mid noqo liiskeena si aan kuula wadaagno qoraalada. Waxaa codsigaaga noogu soo diri kartaa info@bishacagaaran.org.uk
Fariinta & wacyigelinta: Gudoomiye: Cabdidaahir Xasan Axmed (Qoryooleey)